Dhageyso:Wasiir Omaar oo sheegay Kismaayo inuusan ka jirin maamul lagu aamino hawada

manddeq

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Salaad Oomaar ayaa ka hadlayey go’aankii dowladda ay soo saartay ee la xiriiray duulimaadyada Kismaayo.

Oomaar oo waraysi siiyay idaacadda VOA-da ayaa sheegay in joojinta Duulimaaaydii tooska ahaa ee Kismaayo ay salka ku hayso in aysan jirin cid ay si buuxda ugu halleen karaan duulimaadyada Kismaayo sidaas darteedna ay buuxinayaan kaalintaas banaan, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka ayaa sheegay inaysan jirin xanibaad la saaray Kismaayo, balse go’aanka xukuumadda uu yahay “mid lagu ilaalinayo danta guud ee dalka.”

Hadalka Oomaar ayaa imanaya ayada oo maamulka Jubbaland uu maanta soo saaray warbixin qoraal ah oo ku aadan xaaladda amni, siyaasadeed iyo bani’aadamnimo ee ka jirta dowlad goboleedka Jubaland.

Jubaland waxay sheegtay in shacabka Jubbaland ay saaran tahay “xayiraad sharci darro ah oo dastuurka baal marsan taasoo saameyn ku yeelatay kaliya shacabka dhinacyada, ganacsiga, dhaqaalaha, caafimaadka iyo arrimaha gargaarka bani’aadamnimada.”

Wasiirka ayaa u warramay weriyaheena Muqdisho, Cabdulqaadir Maxamed Cabdullaahi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.