Sawiro:Mashaariic dhowra oo laga Dhagax dhigay Degmada Luuq

Wafdi uu Hogaaminayo agaasimaha Wasarada Arimaha Gudaha Dowlad Goboledka Jubalnd islamarkaana ay Waheliyaan Agaasimaha Wasaarada Howlaha Guud iyo Guryeynta Jubaland iyo Masuuliyiin kale ayaa manta gaaray Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

waftigaan Waxaa garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweyay maamulka Degmada Luuq, Soodhaweyn Kadib wafidga ayaa kulan Kaqaatay qeybaha kala duwan ee bulshada kudhaqan degmada iyagoo kaga warbixiyay ujeedka safarkooda.

Waxana ay sheegeen in ay uyimaadeen Hirgalinta Mashaaric hormarined Kulanka kadib agaasimaha Wasaarada Arimaha gudaha jubaland iyo Gudoomiyaha Degmada Luuq Ayaa si wada jira udhagax dhigay Mashaariic Hormarineed Oo Laga Hirgalinayo Degmada Sida Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Degmada Luuq, Guriga Hooyooyinka Degmada Iyo Xarunta Dowlada Hoose

Gudomiyaha Degmada Luuq ayaa kaga mahadceliyay wasaarda arimaha gudaha Dowlad Goboledka Jubaland Hirgalinta mashaaricdaan oo dhismahooda labilaabayo maalinta Sabtida.

Warbixintaan waxaa Degmada luuq kasoo diray Maxamed Kaafi Aadan UK

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.