Akhriso:Siyaasadda dhaqan dhaqaale ee quraanjada

Ilaahay wuxuu Qur’aanka kaga hadlay quraanjo, suurad ayaaba lagu magacaabay suuradii quraanjada سورة النمل. Waa xayawaan aad u yar, aad u tabar yar laakiin waa xayawaan cajiib ah, waa xayawaan ilaahay u dooray inuu kitaabkiisa kariimka ah Ku sheego, Ku casuumo, kaga faalloodo. Quraanjadu waxay leedahay qaab nololeed cajiib ah. Waxay leedahay hogaamiye toolmoon, taba qeexan, talo toosan iyo kala dambayn wanaagsan. bal u fiirso quraanjo socota way isdaba gashaa ee isma garab yaacdo, isma garbiso isuma xoog sheegato. Dariiqa midka u horreeya maro ayaa ka u dambeeyana maraa. Quraanjadu way isjeceshay oo isu naxariisataa. Way isu digtaa oo khataraha iska qabataa sida qur’aanku sheegayo iyada oo isla hadlaysa si aan ciidanka Nabi Sulaymaan dhib ugu gaysan. Haddii lagu khaldamo oo dhibaato loo gaysto quraanjadu way u cudurdaartaa cidda Ku khaldanta ee kama aargoosato xumaana uma kaydiso. (( ……… وهم لا يشعرون )) Quraanjadu waxay samaysataa dhaqaale, way shaqaysaa oo wax bay kaydsataa, way isku kalsoontahay. Waxaad arki quraanjo yar oo wax ka weyn muuqaal ahaan jiidaysa oo meel gashanays. Sow ma muuqato in quraanjadu inaga siyaasad fiican tahay? Inaga maamul wacan tahay? Inaga dhaqaale iyo tabac fiican tahay?quraanjada cashir fiican baa Inoogu jira. حَتَّى إِذَا أَتَوْا عَلَى وَادِي النَّمْلِ قَالَتْ نَمْلَةٌ يَا أَيُّهَا النَّمْلُ ادْخُلُوا مَسَاكِنَكُمْ لَا يَحْطِمَنَّكُمْ سُلَيْمَانُ وَجُنُودُهُ وَهُمْ #لَا_يَشْعُرُونَ..

W/Q: maxamed Sheekh muxyadiin

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.