Akhriso:Dowladda Soomaaliya oo soo dhawaysay Kacdoonka shacka Bakool ee ka dhanka ah Argagixiada

War- Saxaafadeed ka soo baxay dowladda Federalka  Soomaaliya, ayaa lagu soo dhaweeyay kacdoonka shacabka Gobolka Bakool ay wadaan ,kaasi oo ka dhan ah kooxda argagaxisada Al-Shabaab oo caadaysatay waxyeelaynta nafta, hantida  iyo sharafa Soomaaliyeed.

.“Kacdoonka  shacabka ee looga soo horjeedo kooxda Al-Shabaab, wuxuu horay uga socday gobollada Shabeellada Dhexe, Mudug iyo Hiiraan, taasoo lagu wiiqay itaalka kooxda Al-Shabaab ee maafiyada ah,,dowladdu waxay ugu baaqaysaa shacabka Soomaaliyeed in ay kala shaqeeyaan la dagaalanka kooxda Al-Shabaab oo duulaanka ku ah Diinta, Dadka, Hanitda iyo dowladnimada Soomaaliya.”ayaa laggu yiri waraxaafadeedka.

Shacabka Soomaaliyeed, waxaan xasuusinaynaa in kooxda Al-Shabaab ay si  xoog leh u wiiqmayaan bilihii lasoo dhaafay, iyadoona ay dowladda ay isu soo dhiibeen horjoogayaal  iyo gacan ku dhiigla yaal ka tirsan kooxdaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.