Maraykanka oo Ciidan ka hortaga Gantaalaha Iran iyo Xuutiyiinta gaynaya Sacuudiga

Dowlada Maraykanka ayaa ku dhawaaqay in uu qorshaynayo in uu ciidamo u diro Sacuudi Carabiya kaddib weerarradii lagu qaaday warshadaha shidaalka ee dalkaas.

Xoghayaha Difaaca Mark Esper ayaa saxafiyiinta u sheegay in ciidamada halkaas lagu daad guraynayo ay yihiin “kuwo wax iska caabbin ah”. Ilaa iyo haddana lama sheegin tirada ciidamada ee halkaas la gaynayo.

Xuutiyiinta ay taageerto xukuumadda Iran ayaa sheegtay masuuliyadda weerarradii toddobaadkii hore lagu qaaday laba warshadood oo kuwa shidaalka ah.

Hase ahaatee Maraykanka iyo Sucuudiga labaduba waxay masuuliyadda weerarkaas ku eedeeyeen xukuumadda Iran.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.