Sawiro:Argagixisada Shabab oo Diyo u kala wareejiyey Labo beelood

Munaasabad ay kooxda Argagixisada Shabaab ku qabatay Magaalada Buq Aqable ee gobolka Hiiraan ayaa diyo loogu kala wareejiyay labo beelood oo ak tirsan Xawaadle iyo Abgaal oo hore dad iska dilay.

Diyadan ayaa dhameed 600 oo geel ah oo lacag ahaan loo kala qaadanaayay.

Beesha Abgaal ayaa qaadatay 500 neef geela oo ah diyada lix nin oo beesha Xawaadle ka dishay halka beesha Xawaadle ay qaadatay diyada 100 halaad oo ah diyo hal nin oo beesha Abgaal horay uga dishay.

Labada beelood ayaa ku heshiiyay in diyada lacag ahaan loo bixiyo waxaana calaa neef lagu qiimeeyay 400 oo dollarka Mareykanka ah, madashii munaasabaddu ka dhacaysay ayaa lagula kala waregay lacag dhan 240,000 oo dollar [laba boqol iyo Afartan kun oo dollar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.