Awaamiirta Dowlada Soomaaliya Haloo Gogaansamo

Go’aanka Wasaarada Duulista Hawada DFS ee ah xayiraada duulimaadka Kismaayo 23-26ka bishan waxuu ku yimid wadatashi iyo qiimeynta xaalada murugsan ee Jubaland. Ujeedada ka dambeysana cidna daah kama saarna, waa go’aan xaqiiqada ka turjumaya oo sax ah, waanan soo dhoweyneynaa. Waxaa iyana halkan ka bogaadineynaa tallabadii shaley Madaxweynihii hore SHARIIF Axmed looga joojiye safarkii Kismaayo. Sababtoo ah DFS waxaa waajib ku in sharafta iyo amaanka madaxdii hore ee dalka aay dhowrto, ka horjoogsato waxii halis ku ah sharaftooda, amaankooda. Sidoo kale amarada dowladu ka soo baxa, waa waajib in si siman loogu hogaansamo.

Haddii Shariifka uu qaldamey in dowladda ka horjoogsato Kismaayo, loona caqliceliyo dowlada way ku amaanantahay. “Ninkii waasha walaalkii ayaa u miyirqaba”, Sheekh SHARIIF hadduu garaabayo waxay dowlada siisay fursad qaali ah oo uu qaladkiisa ku saxo. In niman mucaarad sheegta oo ku sifoobey qarandumisnimo aay madaxdii horee dalka madaxweyneyaal ka soo noqdey ku dhexmilmaan, waxaan magacxumo ahayn kama dhaxlayaan. Waxaan aaminsanahay in dowlada u nastexeysey, waxaana waajib ku ah in uu u mahadceliyo DFS.

Waxaan maangaabka maskaxgaraadka ka cayroobey ee Jubaland ku abtirsada xasuusinaynaa in SHARIIF Axmed iyo Xasan Sheekh aay danbiyo waweyn ooy ku jiraan dagaalo dhiigbadan ku daateen oon mar, laba iyo seddex ahayn ka galeen shacabka reer Jubaland. Hadday qaar inaga mid ah si fudud u ilowbeen dhacdooyinkaas, waxay ku daabacantahay quluubta xusuusqorka bulshaweynta reer Jubaland intooda badan.

Waxaa nasiibdaro ah in ragga aan xusay aay weli ku dhiiranyihiin hagardaamada Jubaland oo aay fidmo la dhexrooraan dadka wada dhashey oo dantooda gaarka ah isku haysta, si colaad sokeeye oo dhiig ku daata u dhexdhigaan.

Fulinta awaamiirta dowlada ama ilaalinta maslaxada qaranka waxaa ka masuul ah DFS, cidna in aay baalmarto lagama ogolaanayo.

Waxaa xusid mudan in reer Ceelwaaq iyo guudahaan Jubaland biyo dhaamin aay u baahanyihiin ee ayan u baahiqabin nin iscaleemasaarsya.

SHARCIGA WAA LOO SIMANYAHAY EE HALOO WADA HOGAANSAMO.

Yuusuf Ducaale, GMMIJ,
Musharax MMJ

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.