Ninkii Doonaaya in uu beri Dalka Hogaanshoow Maanta Xishood!

Safarkii Shiikh shariif laga joojiyey ee Kismaanyo,aan ka soo qaado oraahda caankaa ee dhahaysa (HAWRAAREEY NIN KU YIRI NINA SI KUUQAADAY)ama (HILIBKA SARARTA NINBA DHINACA UU RABO BUU SOO KORMARIYAA), Labada maahmaahyood micnahoodu ma kalafoga oo waxay ku soo ururayaan arin dhacday ama hadal qof ku hadlay kii doonaa waa xumeyn karaa kii rabaana waa wanaajin karaa ,(NIN ANIGA YIRI RAG ISKA REEB), sidaas awgeed waxaan u arkaa mid ka mid ah shirqooladii laga soo abaabuli jirey dibada oo shisheeyuhu kharashka ku bixin jirey mid ka mid ah furihiisuna ahaa madaxweynihii hore Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Waxaa kale ee cadaynaaya in arintu sidaas ahayd sida deg dega leh ee ay uga falceliyeen mucaaradka horay ugu hungoobay afgambiyada badan oo cadwgu soo abaabuli jirey oo uu hormood u yahay madaxweyne hore Xassan Shiikh Maxamuud iyo kuwa sheegta hoggaamiyayaal xisbiyo.

Ayaan daro waxay garan la,yihiin in dadkayaga garaadkiisu ka korey,waayihii sida fudud siyaasiyiinta danleeyda ah uga faa,ideysan jireen oo durbaanka qabiilka ugu tumi jireen,maanta Soomaalidu waa magaaloowday,waa waayo,arag,qaar badana waa mutacalimiin waxbaratay,sidaas awgeed arintu waa afgambi fashilmay siddii kuwii hore,sidaas awgeed odayaasha iyo kooxdooda mucaaradka ah maradii baa ka dhacday meel aan Xishooda ka dhahno arintu waa dhaaftay ee waxaan dhihi lahaa kaarkiinii waad gubteen ee siyaasada ka hara dadka Soomaaliyeedna waxaan dhihi lahaa (NIN QAAWAN BIYO ISKAMA DHAWRO), waa isku daygii u denbeeyey oo cadawgu soo maleegay safarka Shiikh shariif iyo falcelinta mucaaradku,s hacbiga iyo dawlada waxaa la gudboon difaaca iyo badbaadinta qaranka dadkayagoow  u arka arinta manaxayaasha shisheeyaha Imaaradku u horeeyo dhadhamada ku qaba in marna u naxayn nafftiina iyo maalkiina, waa fariinta aan u diraayo culumada, dhalinyarada iyo dadweynaha.

Wa bilaahi towfiiq.

Jimcaale London.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.