Daawo:Hay’ada duulista hawada Soomaaliya oo beenisay in la joojiyay duulimaadyada aada Kismaayo

diyarad

Maareeyaha hay’adda duulista Hawada Soomaaliya, Axmed Macalin Xasan, ayaa sheegay in aysan jirin xannibaad ay Dowladdu saartay duullimaadyada taga Magaalada Kismaayo.

Axmed Macallin, ayaa sheegay in aysan ahayn sida ay warbaahintu u dhigeen ee ah xayiraad, balse ay shirkadaha Diyaaradaha ku war geliyeen in duullimaadkooda Kismaayo ay hay’adda ku soo wargeliyaan 24 Saac ka hor.

Axmed Macallin Xasan, Maareeyaha hay’adda duulista Soomaaliya ayaa intaa ku daray in ay imminka ku shaqeeyaan nidaam caalami ah oo la jaan qaadaya habka Civil Aviation-nada Dunida, taas oo ah in aysan Hawadeenna marin Diyaarad aan laga war qabin.

Maareeyaha ayaa sheegay intii aysan Dowladdu Gacanta ku qaban habka duullimaadyada Dalka uusan ahayn mid wanaagsan, balse haatan uu yahay mid waafaqsan nadaamka caalamiga ah ee duullimaadyada Adduunka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.