Maamulka Degmada Buurdhuubo oo ka hadlay Abaar ku Dhufatay Gobolka Gedo

buurdhubo

Xilli wayadaanba ay isa soo tarayeen qeyla-dhaanta abaareed ee kasoo yeereysay gobolka Gedo ee dhaca koonfur galbeed dalkeena ayaa waxaa masuuliyiinta qeyladhaamineysa kamid ah gudoonka magaalada Buurdhuubo ee gobolka .

Mudane Xasan Yare oo gudoomiye ka ah mid ka mid ah magaalooyinka ay abaaraha ugu ba’an ee gobolka halakeeyeen ayaa wareysi uu siiyey idaacadda BBC laanteeda afka soomaaliga ku sheegay in xaaladu meel halis ah ay mareyso.

Xasan yare ayaa carabka ku adkeeyey in iska dhaaf miyigii fogaa ee xooluhu ku dhaqmayeen abaaraha ka dhacaye imminka ay magaalooyinka laga dareemayo saameynta iyo raadka xun ee ay abaartu keentay.

Bulshadii ree miyiga aheyd ee xoolaha dhaqan jirtay iyo kuwii deegaanada wabiyada kafog ee adablaha ah tabcan jiray ayuu xusay in ay abaaraha ugu darani saameeyeen.

Isaga oo sheegay in dadkii oo idil ay hoosta kasoo galeen jiinka wabiga jubba oo ay miciin bideen in ay nafta ku maadiyaan, kadib markii ay reer guuraagu tahli waayeen abaaraha soo laalaabtay ee gobolka ku dhuftay.

Sikastaba Gedo iyo gobolada ku xeeran ayey kajireen abaaro ba’an tan iyo dhowrkii sano ee inamooday taasi oo xaaladda kaga sii dartay.

Gudaha magaalooyinka oo awal nafta lagu maadin jiray ayaa hadda qudhooda si ba’an looga dareemayaa abaarta kadib markii nagaarka loo iibkeeni jiray, caanihii iyo colobtii sokorta lagaga badalan jiray ay meesha kabaxeen sababo la xiriira saameynta abaareed ee gobolka safmar ahaanta u saameysay.

Gedo gurmad ayeey rabtaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.