Sawiro:Shirkii Degmooyinka Gobolka Banaadir oo looga hadlay Waddooyinka xiran

cumar

Shirka todobaadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha 17ka degmo oo guddoominayey Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane, Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) ayaa lagaga hadlay qorshaha faya dhowrka, waddooyinka xiran iyo isla-xisaabtanka.

Shirkan ayay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ay ku soo bandhigeen fulinta adeegyada ay bulshada u hayaan ee la dagaalanka musuq maasuqa iyo baahinta adeegyada asaasiga ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa bogaadiyey isku duubnida dhinaca amniga ee shacabka iyo hay’adaha amniga, kaas oo horseeday in laga hortago falal ay argagixisada Alshabaab u maleegeen shacabka.

Arrimaha sida gaarka ah ay uga wada hadleen maamulka Gobolka iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinku ayaa waxaa ka mid ahaa qorshaha dib loogu furayo Waddooyinka xiran ee Caasimadda iyo sidii loo diyaarin lahaa qorshe dhameystiran oo howshan lagu wajahayo.

Duqa Muqdisho ayaa bogaadiyey sida bulshada Gobolku ay uga qeyb qaadanayaan horumarrada kala duwan ee ka socda Caasimadda, waxuna ugu baaqay in howlaha socda lasii dardargeliyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.