Askari:Lugihiisa ku waayey Kadib markii kaligiis dhabar Jabin ku sameeyey Shabab

Waxa la soo weeraray saldhigga ciidankiisa Xoogga Dalka. Ee Degmada Garbo Harey ee Xarunta Gobalka Gedo

Isaga oo daggan masaafo fog ayuu maqlay dhawaqa xabadda. Ayada oo ay tahay saq dhexe, ayuu xirtay tuutihiisa, isku gedaamay booshkiisa/shakadda rasaasta, jeeni qaarsaday qorigiisa. Waxu ku guuray hummaagga mugdiga isaga oo aan hubin halka uu cagta dhigayo iyo halka loogu jiro.

Xaaskiisa ayaa ku adkaysatay in uusan bixin oo ku dul barooratay. Waxu ugu jawaabay “raggaygii oo uu cadow jarayo, hurdo kuma aan ladi karo, nafta Allaa leh, waxanan ahay xaq u dirir ee i fasax”

Kaligii ayaa dhabar jabin ku weeraray colkii, waxu dilay 3 Arxan la wayashii ka mid ah inta la hubo waxuna fashiliyay duullaanki. Waxu ku waayay lugtiisa bidixe oo lagu gooyay isbitaal ku yaal Muqdisho maalmo ka hor. Dhacdadu waxay ahayd bishan gudaheeda.

Dable Cabdirisaaq Maxamed Deeq, oo sidaa ku curyaamay, maxuu innaga mudanyahay?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.