Guddoomiyaha maxkamadda sare oo tababar u furay garsoorayaal iyo xeer ilaaliyaal

Waxaa Magaalada Muqdisho tababar socon doono mudo Lix bilood ah uga furmay  Garsoorayaal iyo Xeer-ilaaliyaal ka socda Dowlad Gobaleyadda iyo Maxkmada Sare ee dalka oo tiradooda tahey 40 qof kuwaas oo kor loogu qaateyo Aqoontooda.

Fulinta tababrkaan waxaa iska kaashaniya Q M iyo Maxkamada Sare ee dalka sida uu sheegay Gudomiyaha Maxkamada Sare ee dalka  Baashe Yuusuf Axmed waxaa uuna kula dardaarmey ka qeyb galayaasha tababarka inay ka faa’iideystaan Casharadda.

Gudomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegey in u jeedada laga lee yahay tababrkaas ay tahay in la tayeeyo Garsoorka dalka Bulshada loo cadaalada falo.

Tababrkaan ayaa noqoniya kii ugu dheeraa ee Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Baahe Axmed oo furo tan iyo intii uu xilka hayay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.