Ciidammada Xoogga Dalka oo Caawa Duqeyn Ku Dilay Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad Al-Shabaab Ka Tirsan

dagaal

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Midowga Afrika ee AMISOM ayaa fiidnimadii hore ee caawa Duqeyn ku dilay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Argigixisada Al-Shabaab.

Duqeyntan oo ay Ciidammadu ka fuliyeen duleedka Koonfureed ee degmada Awdheegle ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii ay Ciidammada Xoogga Dalka ka war heleen inay goobtaas isku urursadeen Maleeshiyaad Al-Shabaab ah oo doonayey iney weeraro Argigixisanimo kusoo qaadaan degmada Awdheegle .

Taliska Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa u xaqiijiyey Radio Muqdisho in duqeyntan lagu qaarijiyey Horjooyayaal iyo Maleeshiyaad ka badan 20 waxaana Horjoogayaashaas ka mid ah ku xigeenka Horjoogaha Jabhadaha Al-Shabaab Xasan Abshir Jabriil oo magaciisa afgarashada uu yahay (Xasan Jiiroow).

Horjooge Xasan Jiiroow oo caawa ay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed soo af jareen waxa uu hogaaminayey weeraro dhowr ah oo ay Al-Shabaab horey ugu qaadeen deegaanno ay ka mid yihiin Janaale iyo Bariire oo gobolka Shabeelada Hoose ka tirsan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.