Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa maanta magaalada Garowe tababar uga furay laamaha garsoorka, laamaha Booliiska, xafiiska difaaca xuquuqda Aadanaha iyo qareenada madaxa bannaan, tababarkaan ayaa casharada la qaadanayo waxaa ka mid ah hab cusub oo ay dowladda federaalka u bixin doonto warqadda dhaawac muujinta ee Rifeertada .
Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya ayaa xusay warqadda dhaawac muujinta ee hadda laga bixiyo xarumaha Booliiska inay saamayn wayn ku leedahay mustaqbalka qofka nolashiisa, iyadoo mar walba ay ku xiran tahay sugnaanshaha habka loo bixinayo.
Leave a Reply