![xaaaf](https://i0.wp.com/www.gedotimes.com/wp-content/uploads/2019/06/xaaaf.jpg?resize=678%2C381&ssl=1)
Madaxweynaha ku meel gaarka.ah Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa shaaciyay inuu dib ula soo laabtay Mas’uuliyadiisa Galmudug kadib markii dhawaaan uu u wakiishay Wasaaradda Arrimaha gudaha Federaalka Soomaaliya.
War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa lagu sheegay Wasaaradda Arrimaha Gudaha inay dib u hishiisiinta Galmudug aysan u marin wadadii loo baahna in loo qabto dib u hishiisiin saxda ah.
Sidoo kale Xaaf ayaa xusay inuu si degdeg ah u soo magacaabi doono Guddiyo loo dhan yahay oo ka shaqeya Arrimaha dib u heshiisiinta,Doorashooyinka iyo xalinta Khilaafaadka Galmudug.
![](https://i0.wp.com/www.gedotimes.com/wp-content/uploads/2019/09/FB_IMG_1569835123055.jpg?resize=660%2C892)
![](https://i0.wp.com/www.gedotimes.com/wp-content/uploads/2019/09/FB_IMG_1569835126975.jpg?resize=660%2C812)
Leave a Reply