Daawo:Kulan lagu xoojinayo Amniga Magalooyinka Balanbal iyo Guriceel

Madaxa Xukumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa Xalay Dagmada Guriceel uga qeybgalay Xaflad lagu xoojinayay isdhexgalka Bulshada Dagmooyinka Balambal iyo Guriceel

Munaasabada ayaa waxaa kasoo qeybgalay Xildhibaano ka kala tirsan Aqalka sare iyo kan hoose Barlamanka Soomaaliya Saraakiisha Ciidamada qalabka sida iyo qeybaha kala duwan bulshada Balambal iyo Guriceel

Madaxa Xukumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa Saraakiisha Ciidamada qalabka sida iyo Bulshada labada dhinac ku amaanay juhdigii ay galiyeen sidii loo damin lahaay Colaada mudada kataagneed Deegaano hoos yimaada Dagmada Balambal ee Gobalka Galgaduud.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.