Daawo:Madaxweyne Musfaf Cagjar ayaa kormeeray 3 Kun Askari oo Tababar uga socdo xerada Garab Case

Madax-weynaha DDS mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa maanta booqday kulliyadda tababarada ciidamada Garab case oo ay tababar ugu xeraysan yihiin 3kun oo askari oo liyu booliis ah oo lagu kordhinayo ciidamada xoogga gaarka ah ee deegaanka.


madax-weynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay ciidamada cusub.iyadoo ciidamaduna ay soo bandhigeen nuucyada tababarada ee ay kulliyada ku baranayeen bilihii ugu dambeeyay.


ciidamadan cusub oo laga soo kala xulay 11 ka gobol ee deegaanka ayaa waxaa xusid mudan inay ku jiraan xubno horey uga tirsanaa ururka ONLF. ciidanadan 250 kamid ah ayaa waxay yihiin kuwo loo tababarayo Komaandoos.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.