Sawiro:Wasiirka Maaliyadda oo la kulmay Maamulka Gobolka Banaadir

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in xarunta Wasaaradda maaliyadda uu maanta kula kulmay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo ku-xigeenkiisa arrimaha Maaliyadda Ibraahim Dheere.

Wuxuu sheegay Wasiir Beyle in arrimaha ay ka wada hadleen ugu muhiimsan tahay dar dargelinta howlaha lagu kobcinayo dakhliga dalka iyo sare u qaadista kaabayaasha dhaqaalaha.

“Arimaha ugu muhiimsan ee aan ka wada hadlay waxaa ka mid ahaa wada shaqeynta iyo dar-dar gilinta howlaha lagu kobcinayo Dakhliga Dalka,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda Xukuumadad Soomaaliya ayaa sheegay in dhammaantood ay ka go’an tahay in si wadajir ah ugu wada sahqeeyaan horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.