War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u- heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacowday Guddiga Farsamada Maamul Dhisidda Dowlad Gobaleedka Galmudug, kaas oo maalmihii la soo dhaafay la hadal haayey in la Magacaabayo.
Guddigaan ayaa waxaa magacaabay Wasaarada Arrimaha Gudaha Xukuumadda, Waxaa ay ka koobanyihiin 13 Xubnood.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in Guddiga iska dhex dooran doonaan Guddoomiye, Ku-xigeenka iyo Xubnaha kale ee la shaqeynaya.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradad Arrimaha Gudaha Xukuumadda ahna kusimaha Wasiirka Isaaq Maxamed Maxamuud ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in guddigaan la magacaabey laga sugayo Go’aanadii kasoo baxay Shirkii dib u heshiisiinta ee Beelaha daga Galmudug.
Magacyadda Gudiiga hoos ka aqriso
- Maxamed Cumar Warsame Afrax
- Cabdiqaadir Nuur Caraale
- Axmed Maxamed Caafi
- Cabdirisaaq Kaahiye Yuusuf
- Cumar Maxamuud Cabdi
- Xuseen Cabdulle Xasan
- Maxamed Daahir Faarax
- Cabdinaasir Geelle Cilmi
- Xaliimo Cabdi Cali
- Mahad Maxamuud Cali
- Cabdirisaaq Aadan Warsame
- Abshir Cabdiraxmaan Maxamed
- Cabdirashiid Cali Salad
Leave a Reply