Madaxwayne Waare oo ka tacsiyeeyey geeridii masuuliyiin ka tirsan Hirshabeele oo dil loo gaystay

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle, Dr Maxamed Cabdi Waare, oo ku hadlaya Afka Golayaasha maamulka Hirshabeelle iyo kan Shacbiga Hirshabelle ayaa ka tacsiyeeyay Geerida Allaha u naxariistee Guddoomiye ku xigeenkii amniga Gobolka Sh.Dhexe marxuum Muxumad Sugaal Cismaan iyo wiil uu dhalay oo xalay ku geeriyooday magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle kadib markii maleeshiyo ka tirsan argagaxisada ay Bam gacmeed ay ku weerareen guriga Marxuumka.

Madaxweynaha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaan shacabka Hirshabelle, ehelkii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay Guddoomiye ku xigeenka Amniga Sh.dhexe marxuum Muxumed Sugaal, waxaana eebe uu uga baryay in janatul fardowsa uu ka waraabiyo.

Madaxweyne Waare ayaa tilmaamay In Marxuumka  uu ahaa xubin muhiim ah oo ka baxday Dawladda  iyo shacabka Hirshabelle islamarkaana uu hayay shaqo adag oo muhiim u ah nidaamka Dawliga ah, iyo Xaqiijinta Amniga.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa faray hey’adaha Ammaanka in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u sameeyaan baaritaan dhab ah oo la xiriira weerarkaasi fulaynimada ah ee lagu dilay marxuumka sharcigana la soo taago dhagar qabayaashii ka dambeeyay.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo hadalkiisa sii watay ayaa guud ahaan Shacbiga Hirshabelle kula dar daarmay in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah meelna uga soo wada jeestaan cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee argagaxisada Al Shabaab islamarkaana ay la shaqeeyaan Hey’adaha ammaanka sidoo kalena ay iska hubiyaan cid kasta oo ku soo dhex dhuumaneysa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.