Qeybaha kala duwan ee cunooyinka uu dalkeenu hodanka ku yahay heeso iyo ruwaayada ka tarjumaya qiimaha beeraha iyo wax soo saarka ayaa lagu soo bandhigay xafladan oo lagu xusayey laba munaasabadood oo kala ah Maalinta Beeraleyda Soomaaliyeed iyo maalinta cuntada aduunka.
Munaasabadda oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda beeraha iyo waraabka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay, Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan golaha shacabka, aqoonyahano, beeraley, ganacsato, Hey’addo caalami ah iyo marti sharaf kale.
Leave a Reply