Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudaneXasan Cali Khayre ayaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka kulan kula qaatay wasiirka maaliyadda iyo dhaqaalaha dowladda Talyaaniga, Roberto Gualtieri.
Shirka ay yeesheen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Roberto Gualtieri ayaa looga hadlay xoojinta xariirka labada dowladood iyo sii wadidda taageerada Talyaaniga ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Wasiirka maaliyadda iyo dhaqaalaha Talyaaniga ayaa ku celiyay in dowladda Talyaaniga oo xariir qota dheer oo soo jireen ah uu kala dhexeeyo Soomaaliya ay ka go’antahay in dowladda ka taageerto dib-u-dhiska dalka, gaar ahaan dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo cafinta deymaha dalka lagu leeyahay. Kulanka ayaa qayb ka ahaa shir doceeydo uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaadanayo mas’uuliyiinta ka qayb geleysa shirka sannadlaha ah ee Bangiga iyo hey’adda lacagta adduunka.
Leave a Reply