Ciidamada Xooga dalka oo shabaab ku dilay Gobolka Hiiraan

dagaal

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal ka sameeyey gobolka Hiiraan ayaa waxay dil u gaysteen horgjooge sare oo ka tirsanaa argagaxisada Al-shabaab, kaas oo dhibaato xoogan ku haayay shacabka ku nool degmooyinka Gobolkaas.

Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamed Nuur Cagajoof oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in horjoogahaan oo magaciisa lagu soo koobay Maxamed Hiiraan uu argagaxisada u qaabilsanaa baada ay ka qaadaan shacabka ku nool gobolka Hiiraan iyo dhibaateynta Ummadda Soomaaliyeed.

Maalmihii ugu dambeeyay Ciidamada Xoogga dalka ayaa dardar gelinayay howlgallo argagaxisada looga xureynayo deegaannada ay kaga suganyihiin Gobolka Hiiraan, iyadoo lagu laayay Horjoogeyaal iyo maleeshiyaad badan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.