Tarsan oo beeniyey inuu kulan dhexmaray Madaxwayne farmaajo iyo Safiirka Maraykanka u fadhiya kenya

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa shaaciyey in uusan dhicin kulan dhexmaray Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Safiirka Mareykanka ee Kenya xiligii uu booqashada ku yimid oo aheyd dhowr bilood ka hor.

hadalkaan ayaa imaanaya xili warbaahinta kenya oo soo xiganaysa safiirka maraykanka u fadhiya dalka kenya uu sheegay inay dhex dhexaadinayaan Somaaliya iyo kenya Madaxwayne farmaajona usheegeen inu ka noqdo dacwada bada.

Madaxwayanaha Soomaliya Maxamed Cabdulaahi farmaajo ayaa sheegay markii Khudbada ka jeedinaayey Xarunta qaramada midoobay inaysan soomaliya wax wada hadala ka galeen dacwada bada sidaas darteedna ay sugayaan go’aanka Maxakamada caalamiga ah ee ICJ.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.