Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay Magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Wabiga Shabelle, guddigaasi oo ka kooban xubnaha Golaha wasiirada Hirshabelle.
Guddigaan ayaa waxaa guddoomiye u ah Wasiirka Gargaarka ee maamulka Hirshabeelle, waxaana Xubno ka ah ilaa iyo 13-wasiir oo kale.
Xubnaha Guddiga ayaa la filayaa inay si deg deg ah u gaaraan Goobaha ay Fatahaadaha ka jiraan si gurmad deg deg ah loogu fidiyo dadka Guryahooda daadadka ay ka barakiciyeen.
Shalay ayay ahayd markii sidoo kale R/wasaaraha Soomaaliya uu magacaabay Gudi ka kooban ilaa iyo 9 wasiir kuwaasi oo R/wasaaruhu kula dar daarmay inay Gurmad deg deg ah la gaaraan dadka liita

Leave a Reply