Soomaaliya ayaa saaka xukunno kala duwan ku ridday eedaysanayaal loo haysto inay ku lug lahaayeen qarax bishii April ee sanadkan lagu dilay guddoomiye ku-xigeenkii dagmada Maxaas Rashiid Cusmaan Cabdi.
Guddoomiyihii hore degmada Maxaas C/raxmaan Sheekh Cilmi Cawaale oo lagu soo eedeeyay inuu ku lug lahaa dilka guddoomiye ku-xigeenkiisa ayaa lagu xukumay xabsi daa’in,sidoo kale Maxkamadda ayaa isagoo maqan waxay dil toogasho ku xukuntay Cali Axmed Guure (Qoyane) oo lagu eedeeyay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab.
Dhanka kale waxaa dil toogasho lagu xukumay Nuur Ibraahim Mahad Alle oo isna Maxkamadda ku heshay inuu ahaa ninkii goobta keenay qaraxii uu ku dhintay guddoomiye ku-xigeenkii Maxaas.
Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday dhageysiga dacwadaas, waxayna noqotay mid ka mid ah dacwadihii ugu yaabka badnaa ee ay qaado, maadaama Maxkamadda la horkeenay guddoomiye degmo oo ku lug yeeshay dilka guddoomiye ku-xigeenkiisa.
Leave a Reply