Sawiro:Agaasimayaashii hore ee Radio Muqdisho iyo SNTV oo Xilka wareejiyey

Agaasimihii hore ee Radio Muqdisho, Mudane C/fitaax Daahir Jeyte ayaa maanta xilka ku wareejiyay, Agaasimaha Cusub ee Radio Muqdisho, mudane Yaxye Cali Faarax oo Wasiirka Warfaafinta XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) uu shalay u magacaabay Agaasimaha cusub ee Radiyaha.

Agaasimihii hore C/fitaax Daahir Jeyte ayaa sheegay in wax badan lasoo qabtay waxne ay dhimanyihiin, isagoo agaasimaha cusub kula dardaarmay inuu meeshaas kasii wado, wuxuuna tilmaamay inuu ku faraxsanyahay in qof xog ogaal u ah shaqada loo soo magacaabo.

Agaasimaha cusub ee Radio Muqdisho, Yaxye Cali Faarax ayaa agaasimihii hore uga mahadceliyay shaqadii uu usoo qabtay Qaranka, isagoo xusay inuu halkaas ka sii wadi doono.

Dhanka kale Agaasimihii hore ee Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Liibaan Cabdi Cali ayaa xilka ku wareejiyay Agaasimaha cusub ee Telifishinka, Mudane Faarax Salaad Dharaar, wuxuuna uga warbixiyay Shaqada TVga iyo halka ay mareyso, isagoo kula dardaarmay inuu bulshada ugu adeego daacadnimo.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane C/raxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala oo goobjoog ka ahaa xil wareejinta ayaa agaasimayashi hore ee Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka uga mahadceliyay shaqadii wanaagsaneyd ee ay Qaranka usoo qabteen, isagoo agaasimayaasha cusubna kula dardaarmay iney shaqada halkooda kasii wadaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.