Sawiro:Madaxweynaha KoonfurGalbeed oo gaaray Bardaale

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka K/Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed  Laafta-gareen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanata gaaray degmada Bardaale oo ay dhowaan ka dhaceen  fatahaado ka dhashay daadad kusoo rogmaday kadib Roobab xooggan oo halkaasi ka da’ay.

Madaxweynaha oo ay la socdaan Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan maamul Goboleedka K/Gabeed, waxaa degmadaasi ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan maamulka ,degmada Bardaale iyo shacabka ku dhaqan halkaasai.

Booqashada Madaxweynaha K/Galbeed  ayaa lala xiriiriyay u kuurgalidda xaaladda bini’aadanimo ee ka jirta degmadaasi iyo halka ay marayaan gurmadka loogu jiro samatabixinta dadka ay saameyeem daadadkii ku soo rogmaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.