Daawo:Madaxwayne waare oo fowdo ku tilmaamay safarkii Xasan shiiq iyo Shiiq shariif

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaliyeed ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa uu ka hadlay Safarkii Maanta Magaalada Baladweyne ay ku tageen Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif.

Madaxwayne Waare isaga oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa waxaa uu been abuur ku tilmaamay wararka baraha Bulshada lagu faafiyay ee ahaa in diyaaradii siday Madaxweyneyaashii hore ee dalka iyo wafdiga la socday loo diiday inay ka degto Baladweyne, isla markaana la demiyay Raadeelka Garoonka Baladweyne.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa Shirkadda leh diyaaradii Maanta Baladweyne u qaaday Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ku eedeeyay inay ku ku xadgudubtay xirfadii duulimaadyada, isla markaana duuliyihii waday uu qaatay Go’aan Riski ah isla markaana Shirkadda leh diyaaradda lala xisaabtami doono, kadib markii Maanta ay qatar gelisay Wafdi heer Caalami ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.