Ra’iisulwasare Khayre oo u dhooftay dalka Faransiiska

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane [Xasan Cali Khayre ayaa maanta u safray dalka Fanasiiska oo uu uga qayb gelayo shirka sannadlaha ah ee madasha nabadda Paris oo socanaya Nofeembar 11-13, 2019.

Madasha nabadda oo ah kulan sannadeed caalami ah, ayaa looga hadlayaa Nabadda iyo Amniga, arrimaha horumarinta, deegaanka, tegnoolojiyadda cusub, dhaqaalaha loo dhanyahay, dhaqanka iyo waxbarashada, waxaana sidoo kale lagooga doodayaa xal u helidda dhibaatooyinka caalamka ka jira.

Shirka waxaa ka qayb gelaya madax ka socota dalalka caalamka iyo hey’adaha caalamiga ah, waxaana Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre intuu ku suganyahay Faransiiska kulamo doceedyo uu la qaadanayaa qaar kamid ah madaxda kala duwan ee kasoo qayb geleysa kulanka.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa safarkiisa Faransiisaka kadib waxuu tegayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium, oo uu kula kulmayo hoggaanka cusub ee midawga Yurub.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.