
Maanta oo Taariikhdu tahay 12/11/2019 ayaa Gudiga Hirgalinta Nabada Degmada Ballanballe ay booqdeen Deegaanka Jiicle oo kamid ah Deegaanada Hoosyimaada Degmada Ballanballe.
Gudigan oo fulinayey qorshe howleedkooda ayaa sameeyey wacyi-galin balaaran waxaana si-fiican uga faa’iideystay dadka reer miyiga ah, waxaana taargetku ahaa deegaano kala duwan oo hoosyimaada degmada ballanballe.
Gudigaan ayaa waxay u booqdeen Deegaanka Oodaale, Xirsi lugey iyo kuwo kale oo hada la qorsheynayo in la booqdo lagana sameeyo wacyi galinta ay wadaan Gudiga Hirgalinta Nabada.


Leave a Reply