Sawiro:Khayre oo Balanqaaday Dayactirka Dhismaha Safaarada Soomaliya ee Dalka Faransiiska

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa booqday dhismaha safaarada Soomaaliyeed ee dalka Farasniiska.

Mudane Xasan Cali Khayre oo safaaradda kula kulmay ku simaha safiirka iyo diplamaasiyiinta ee la shaqeeya ayaa ka dhageystay warbixnta guud iyo baahiyaha ay qabaan, waxuuna ballan qaaday in dowladdu ay dayactir ku sameyneyso xurunta safaaradda iyo hoyga safiirka.

Dowladda oo dhawaan dhisme safaaradeed ka iibsatay dalka Mareykanka, ayaa wadda dadaallo lagu horumariyo dhismooyinka safaaradaha dalalka caalamka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.