Sawiro:Guddoomiyaha Aqalka sare oo booqday xarunta Wakaaladda horumarinta dhismaha Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee BF Soomaaliya, mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa Maanta Booqasho ku tagay xarunta ay ku shaqayso Wakaaladda horumarinta dhismaha Soomaaliyeed oo ku taalla Dugsiga sare ee Sheekh Xasan Barsane.

Ujeeddada kormeerka ayaa ahaa mid loogu kuur galayay Xafiisyada ay ku shaqeyso Wakaaladda iyo hadafyada ay hiigsanayso ee ku saabsan dib u dhiska iyo dayactirka kaabayaasha dhaqaalaha.

Maareeyaha guud ee Wakaaladda horumarinta dhismaha Soomaaliyeed, S/guud, Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa sheegay in hiigsigoodu uu yahay in ay dayactir ku sameeyaan xarumaha hay’adaha difaaca iyo amniga Qaranka.

Wuxuuna sidoo kale sheegay in ay ka go’an tahay dib u dhiska iyo bilic soo celinta goobaha halgamayaasha iyo sooyaalka Ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee BFS, Mudane; Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa ugu mahad celiyay Maareeyaha Wakaaladda sida ay ugu mira dhalinayaan hadafkooda iyo hiigsigooda ku aaddan dib u dhiska Dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.