Daawo:Talyaaniga oo Muqdisho keenay gar-gaar loogu tala galay Dadka ay fatahaaduhu saameeyeen

Diyaarad nooca xamuulka ah oo sidda deeq gar-gaar Bini’aaddannimo ah ayaa Maanta soo gaartay Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladan Muqdisho.

Deeqdan oo noocyo kala duwan isugu jirta ayaa ka timid Dalka Talyaaniga, taas oo loogu tala galay Dadka ay fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay Roobka Deyrta saameeyeen, iyadoo gar-gaarkaasina lagu wareejiyay Dowladda Soomaaliya si loo gaarsiiyo Dadka dhibaateysan.

Talyaaniga ayaa ka mid ah Waddamada Caalamka ee ka qeyb qaadanaya gurmadka loo fidinayo Dadka ku waxyeelloobay fatahaadaha iyo daadadka ku dhuftay qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.