Daawo:Wasiirka Beeraha Soomaliya ayaa dacaayad iyo been abuur ku tilmaamay in cuduro laga helay Galeyda iyo Masagada Soomaaliya

bardheere

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya iyo Iskaashatooyinka Beeraleyda Soomaaliyeed ayaa si wada jir ah uga horyimid daraasad qaldan oo Jaamacad ku taala Waqooyiga Ireland ku sheegtay in cuduro laga helay Galeyda iyo Masagada Dalkeena.

Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Beeraha Soomaaliya aya lagu cadeeyay in dalagyada dalkeena ay yihiin kuwa dabiici ah (organic) isla markaana warbixinta la soo saaray ay tahay mid been abuur ah oo aan waxba ka jirin.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid oo u waramay Radio Muqdisho ayaa been abuur ku tilmaamay daraasaddda sheegeysa in Galleyda iyo Masagada dalkeena laga helay cuduro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.