Niman isku Warxin Rabay Guriceel oo laxukumay

Maxkamada Darajada kowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxa ay ku riday xukun ciqaabeedka ismiidaamiye ku fashilmay qarax uu ka fulin lahaa Guriceel iyo hagihiisii.

Labadda eedeysane ee xukunka lagu riday ayaa lagu kala magacaabaa Maxamuud Cabdi Cabdiraxmaan oo ah ninkii fulin rabay qaraxa iyo Cali dhubad Nuure Siyaad oo labadaba ku eedeysnaa inay ka tirsan yihiin kooxda Al-shabaab.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa Sheegay in labada eedeysane lagu helay danbigii lagu soo eedeyey isla markaana lagu xukumay xabsi daa’in.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.