Ceelwaaq:Ciidamo Kenyan ah soo gaaray Degmadaas

Dowladda Kenya ayaa lagu soo waramayaa in ciidan aad u badan ay soo dhoobtay xadka aan rasmiga ahayn ee ay la wadaagto Soomaaliya, gaar ahaan dhanka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan degmadaasi oo u waramay Waryahina Gedotimes oo Ku sugan Degmada Ceelwaq waxay sheegeen in ciidankaan aad uga badan yihiin kuwii hore ee Kenya halkaasi u joogay.

Ciidankaan ayaa wata gaadiidka dagaalka oo ay ku rakiban yihiin hub culus, waxaana ay halkaasi ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo aan ulajeedkooda la ogeyn.

Dadka ku dhaqan degmada Ceelwaaq ayaa sheegay in cabsi badan ay soo wajahday, maadaama ciidankaan aan looga baran dhaq-dhaqaaqyo sidan oo kale ah.

Dhanka kale Madaxwayne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo loo diidey sida la sheegay inuu booqdo qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Gedo ayaa mudooyinkii dambe ku sugnaa Gudaha Kenya.

Kenya iyo Itoobiya ayaa ku loolamaya gobolka Gedo iyadoo Itoobiya ay taageerayso DFS halka Kenya ay garabsiineyso Jubbaland. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Gedotimes.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.