Warbixinta iyo soo jeedinta wax-kabadal ee Guddiga way dheertahay, waxaana dul-istaagaynaa Cinwaanada ugu wayn oo u baahan in aragti sharci laga dhiibto, waxa kalana ay soo hoos galayaan. Waxaana kusoo koobayaa Saddex arrimood.
1. Hanaanka Doorashada.
Guddiga Golaha shacabka uu u saaray diyaarinta Hindise sharciyeedka doorashada waxay soo jeediyeen in laga laabto Nidaamkii hore ee Matlaadda isu dheeli tiran ee liiska xiran {Proportional Representation, closed list}, waxayna soo jeediyeen Nidaamka Doorahada Aqlabiyadda guud “Majoritarian System” noociisa fudud ee loo yaqaan horreeyaa guuleysta 《First Past The Post”FPTP”》.
Tusaale ku saabsanNidaamkaan: Goobta Codbixinta “X” waxaa ka tartamayo 3 Musharax, tirade codbixiyaashana waa “2000” oo qof. Musharax A waxuu helay = 800 oo cod, Musharax B waxuu helay = 700 oo cod, Musharax C waxuu helay = 500 oo cod. Musharax A ayaa guulaystay, maadaama uu helay 800 oo cod, ayadoon la fiirinayn in cododka uu helay ay ka yartahay iskudarka Cododma B iyo C oo ah 1200 oo cod.
Qiimayn: Nidaamkaan waa mid aad u fudud, looma shardiyo in musharaxa uu gaaro tiro gaar ah, sidaa darteed 68 Dal ayaa laga isticaalaa, in kastoo Axsaabta yar yarka ah uusan u fiicnayn lkn wuu dhaqaale yaryahay, waana taageersanahay aragti ahaan in la qaato.
2. Doorashada Aqalka sare.
Doorashada Aqalka sare waxuu soo jeediyey Guddiga in la raaco Q. 72-aad ee Dastuurka taas oo ah in Shacabka Dowlad-gobaleedyada in ay si toos ah u dooranayaan. Ariintaan waxaa ku jiro labo dood:
1. Qodobkaan fiqhi ahaan waxay ahayd in qaab doorashada labada golle lakala duwo “ Golaha Shacabka & Aqalka sare” oon isku qaab loo dooran, sida la rabo in Da’da, Aqoonta iyo shaqadaba ay u kala duwanaadaan, waana habka Standard –ka ah, ee Fiqhiga Dastuurka shardiyo. Hab doorashada isku midka ah, waxay ka dhagaysaa Labada Aqal kuwa isku mid ah, taas oo baahida loo qabo yaraynaysa.
2. Ma caddo sida Somali-lanad iyo Gobalada aan gacanta Dowladda ku jirin ay u dooran Mudanayaasha, maadaama aan lakala saarin. Waxay ahayd in Guddiga soo jeediyo dib-u eegis in lagu sameeyo Qodobka 72-aad, soona jeediyo habraac gaar ah ama uu u daayo Nuqulkii hore ee habraaca faraayey GDQ in ay u keenaan habraac gaar ah.
3. Doorashada Madaxwaynaha iyo Nidaamka Siyaasadeed ee Dalka.
Dunida waxaa ka jiro saddex nidaam Siyaasadeed oo kala ah, Baarlamaani, Nidaam Madaxwayne iyo Nidaam isku dhafan. Qabya-qoralka Dastuurka 2010-kii waxuu taxay saddex hab Nidaam Siyaasadeed oo kala ahaa, Baarlamaani, Madaxwayne iyo Nidaam isku dhafan iyo sida ay mid kasta awoodihiisa noqonayaan, waxuu soo jeediyey in lakala doorto lkn ma dhicin.
Nidaamka Baarlamaaniga ah waxaa Dalka hoggaamiya Ra’iisul wasaaraha, Madaxwaynaha waa Protocol bas ah, go’aanadiisa xataa ma fulayaan ilaa uu saxiixo Wasiirka ay qusayso. Inta badan lama doorto waa dhaxal, mararna waa la doortaa,tusaalaha ugu dhaw waa Itoobiya. Q. -90-aad ee Dastuurka awoodaha uu siinayo Madaxwaynaha Soomaaliya ma aha mid Nidaam Baarlamaani ah yeesho.
Nidaamkaa isku dhafan waxuu isu keenaa Nidaamkii Baarlamaaniga ahaa oo Hay’ada isla shaqaynayeen iyo Nidaamkii Madaxwaynaha oo ah in Madaxwaynaha Shacabka doorto, uuna jiro Ra’iisul wasaare awood leh iyo Madaxwayne awood leh. Waxaa dunida isticaasho 38-aad Dowladood, wayna ku kala duwanyihiin heerka woodaha.
Nidaamka Siyaasadeed ee Soomaaliya ma aha Baarlamaani sida Guddiga uu sheegay, sababtoo ah waxaa diidayo Dastuurka laftiisa marka aad akhriso Qodobada 66,69,90, 92,94, waana nooca loo yaqaan Nidaamka isku dhafan “ Mixed System/ Semi-presidential”.
Sidaas darteed waxay ahayd in Madaxwaynaha ay Shacabka Doortaan, Guddiga uu soo jeediyo wax- ka badal Q. 89-aad ee Dastuurka. arintaas waxay meesha ka saari doontaa in isqab-qabsiga Baarlamaanka iyo Fulinta, waxayna shacabka siinaysaa awooddii Dastuuriga ahayd ee ku xusan Q.1-aad, Faqradiisa 2-aad ee Dastuurka.
W/Q: Avv. Cali Sheikh Aadan Yusuuf “ Cali Somali”
Leave a Reply