Xildhibaannada Soomaaliya oo meel mariyay ku noqoshada qoondada Miisaaniyadda Dowladda 2019

bayle

Kulanka Mudanayaasha Golaha Shacabka oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Xildhibaannada Goluhu waxa ay meel mariyeen  ku noqoshada qoondada miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019.

Mudanayaasha oo cod geliyay ayaa waxaa ogolaatay 118-Xildhibaan, halka ay diideen 15 mudane, waxaana ka aamustay 8-Xildhibaan, sidaas ayuuna ansax ku noqday sida uu shaaciyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Wasiirka Maaliyadda Ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxaan Ducaale Beyle iyo Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Siraaji oo ah Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka ayaa Xildhibaanada uga mahad celiyay ansixinta xisaabxirka 2019.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kulanka soo xiray ayaa sheegay kulanka kan xiga looga hadli doono sharciga Doorashooyinka oo ay soo diyaariyeen Guddiga diyaarinta sharciga doorashooyinka ee Golaha shacabka, kaas oo kulankan kii ka horeeyay Xildhibaannada loo qeybiyay nuqulo ka mid ah sharciga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.