Dhageyso:Ceelwaaq Kornel Rufle oo sheegay inay Kenya garoon ka dhisanayso Degmadaas

rufle

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in shirkad fadhigeedu yahay Nairobi ay dhismo cusub ku bilowday garoon diyaaradeed oo laga hirgalinayo gudaha degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi.

Kornel Aadan Rufle oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Gedo ayaa oo waramay Waryahina joogo degmada Ceelwaq aya sidan oo sheegay in garoonkaasi ay dhisaneyso dowladda Kenya, islamarkaana ay ka leedahay dano gaar ah, sida uu hadalka u dhigay. Rufle ayaa tilmaamay in Kenya ay dooneyso in jabhado laga soo aruuriyey Puntland, Soomaali Galbeed iyo NFD ay ka soo dajiso garoonka cusub ee haatan laga dhisayo gudaha degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, gaar ahaan dhinaca dhulka NFD. Jabhadahaasi ayuu sheegay in lagu burburinayo dowladnimada Soomaaliya, islamarkaana looga soo horjeeda Qaranimada Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in qandaraaska dhismahaasi ay soo qaateen muwaadiniin Soomaaliyeed, taasina ay tahay ayaan darro aad u weyn. Ugu Dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed inay ka feejignaadaan dhagar iyo hagardaamo uu sheegay inay wado Kenya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.