Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin dalka u timid in ay tababarro siyaan diblomaasiyiinta Soomaaliyeed.
Casho sharftaan uu Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Amb Axmed Ciise Cawad uu u sameeyay Diblomaasiyiin iyo khubarro ka socota dalka Sweden, islamarkaana Soomaaliya u yimid in ay tababaro dheeraad ah siiyaan diblomaasiyiinta Soomaalida ah, ayaa waxaa ka qeybgalay Xildhibaano, Wasiirro ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Safiiradda beesha caalamka u jooga dalka.
Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad, oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay arrintani tusaale fiican u tahay hormaradda Wasaaraddu ay ka gaartay dhinaca diblomaasiyadda.
“Waxaa halkan noogu yimid wafdi heer sare ah waxaa ku jira Safiiro mar dalkaan loosoo magacaabay runtii aad ayaan u soo dhaweyneynaa diblomaasiyiinta noo yimid” ayuu jiri Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad.
Leave a Reply