Wasiir ku-xigeenka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Maxamuud Abdikadir Hilaal ayaa kulan casha ah xalay Magaalada London kula qaatay Jaaliyada Soomaliyeed ee Kasoo jeeda Jubbaland iyo Galmudug.
Kulankan oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha Bulshada waxaa ka hadlay aqoonyahano Culumo, Haween, siyaasiyiin iyo Waxgarad, kuwaas oo Wasiir ku-xigeenka ku ammaanay howsha ay bulshada u hayaan iyaga oo dhanka kale u dardaarmay Hufnaan iyo daacadnimo ku salaysan qayraadka dalka Soomaliyeed iyo in laga difaaco in u dayac la darso.
Wasiir ku-xigeenka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Maxamuud Abdikadir Hilaal ayaa uga Mahadceliyey Kulanka uu laqaatay jaaliyadaha Soomaliyeed waxuuna jaaliyada la wadaagay warbixin ku saabsan xaalada wadanka iyo talooyin u badnaa in ay ka qayb qaataan dhismaha qaranka kaas oo hada meel fiican maraya.
Wasiirkuxigeenka ayaa horay waxuu kulamo kala duwan laqaatay Jaaliyadaha Soomaliyeed ee kusugan Magaalo madaxda Labaad ee Dalka Ingiriiska ee Birmingham.
Leave a Reply