Soomalidu waxay ku maahmaahdaa (KOR WAAYEEL WAA WADA INDHO),waxaan u soo qaatay maahmaahada aan cinwaanka ka dhigay iyo tan danbaba,waxaan dhegeystay Kilib la soo dhigay baraha bulshada 14/12/2019,mas,uul ku hadlaayey magaca maamulka Puntilaand oo aad iyo aad eed dusha uga tuuraayey DFS in ay ka gaabisay wax u qabashada Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Puntilaand,wuxuu xoogga saaraayey kicinta dadweynaha in ay kacdoon sameeyaan,wuxuu mahad iyo waxqabad ka sheegtay dawladii dhexe ee burburtay oo uu tilmaamay in waxa kaliya oo puntilaand maanta haysato uu yahay Dekeda Boosaaso iyo laamiga dheer ee Muqdishow ilaa Boosaaso oo ay hirgelisay dawladii kacaanka ee uu madaxda ka ahaa Jaalle Maxamed Siyaad Barre AUN,Haddaba akhristayaaal inta anaan u gudbin in aan naqdiyo shaqsigaan ila dhegeysta hadalkiisa.
1-Marka aan ka hadlo mahada uu ka sheegtay dawladii Kacaanka iyo Jaalle Siyaad oo ka badnaa inta uu sheegay ee aan ku koobnayn Dekeda iyo laamiga ee aan ka xusi karo Garoonka Diyaaradaha Boosaaso,kan Gaalkacyo,iskuulo cisbitaalo iwm,wixii burburkiisa u sabab ahaa sow ma ahayn Siyaasiyiin puntilaand ka soo jeedey.
2- Markii intaas la hirgelinaayey kuwii diidanaa ee xabada ku soo weeraraayey oo calanka Xabashida ka taagay Balanbale iyo Galdogob baa lagu abaalmariyey Garoonka Gaalkacyo , kan Boosaaso iyo kan Garoowe,dadkii taariikhda goobjooga u ahaa weli waa noolyihiin ee ma mudan yihiin anniga xageyga waa maya ee koley waa qabyaalade kuwii aanu qaadan lahayn oo Meesha u dhashay baa mudnaaye maxay ku neceen Alle HUN dhammaan? Sida,Yaasiin Xaaji aasaasi SYL,Maxamed Cawaale Hindisihii Calanka Soomaaliya halgamaana ahaa,Cismaan Xaaji oo ahaa ninkii u horeeyey ee farta Soomaalida qoray oo far u gaara oo assagu hidisey u sameeyey shibanaayaasha iyo shaqalada aan hadda Laatiinka u bedelnay iyo Cabdirashiida Cali Sharmaake oo wadani ahaa kuna shahiiday asaga oo shaqa qaran gudanaaya.
3-Maamulka uu u hadlaayo oo noogu sheegaayo in ay reer puntilaand wax u hayaan shacbigana ku beer dulucsanaayo oo DFS indhahooda u jeedinaayo sow ninku ma garanaayo wixii ka dhacay Garoowe (power abause) oo ilaa xad dhiig lagu daadiyey?
-Xariga iyo handadaada odayaasha iyo dadka birimagadyada ah ee ka socda Meesha gaar ahaan gobollka Bari sacabka ma lagu qarin karaa?
-puntilaand waxaa ka socda Duufaano iyo roobab daadad soo rogay gaar ahaan xeebaha,dagaalo xagjir,kuwo Maamulada la deriska ah dadkooda iyo kuwa puntilaand ka dhacaahey oo dad badan ku dhinteen,ninkii madaxweynaha loo dooray mudane Deni bil ku dhawaad baa leysweydiinaayey markii denbana Dabai baa laga sheegay,haddana afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay waxaa laga sheegayaa Adhis Ababa,intaas oo mashaqo ah meel ay ka dhacday masuulkeedu intaas ma ka maqnaan karaa?
Isku soo wada duub miyuu iloobey dhismayaashii Garoonka kubada cagta iyo wadadii laamiga ahayd ee Boosaaso wax loo dhiibo inta la waayey in shacbiga gudi masalaayey kharshkii soo qaaday oo fuliyey hawshii xarig iyo tacadina loo geystey odayaashii iyo culiumadii isxilqaanka sameeyey?
Hadalkayaga aan uga baxo madaxweynaha mudada sanadka ah aan weli Muqdishou tegin dhaqaalaha uu DFS baa noo diiday asaga iyo taageerayashiisu leeyihiin ma ayyagaa doonan waayey oo xuduudooda xirtay mise DFS baa xuduuda ka xiratay?
Ugu (MEYD KEEBAA U DENBEEYEY,MIDKAAS LA SII WADO) Bal ila eega saddex todobaad Afbarwaaqo iyo Towfiiq Konton qof ka badan baa ku dhintay maamuladii uma soo gurman oo ma kala celin shacbigaas is halaagay,ciidankii dawlada oo gurmaday oo nabada ku soo celinaayey baa la horistaagay oo la yiri kala celin maysaan,bal taasna jawaab u hela?
Dadka reer puntilaand cida dhibaatada ku haysa madaxda maamulkooda iyo DFS midkow yahay waa garan karaan ee aan ku daayo Saciid Abdullaahi Deni ha tago Xamar hadday caasimadiisa tahay maba aha baan qabaaye,markii wixii uu mudnaa ka waayo waan u garaabayna annaga iyo reer Puntilaandiba,Waxaase ila hoboon in uu eedeeyo Dabai iyo boqorkeeda ilayn hallkaas baa laga xukumaaye dhibaatada dhacdayna in ay wax ka qabtaan la rabay(LAMA HURAAN WAA CAWSKA JIILAAL) Waxayaga aan wada ilaashano.
Wabilaahi owfiiq,
Jimcaale.
Masuuliinta puntilaand Xamar diode,waxgaradka iyo odayaasha qofkii wax weydiiya DFS waa xarig yaa Alle kala xisaabtami doonaa