Axmed madoobe oo Kismaayo Dib ugu soo laabtay ayaa ka hadlay arimaha Gedo

axmed

Axmed Madoobe ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Kismaayo ee xarunta Dowlad goboleedka Jubbaland kadib safar oo uu magaalada Nairobi ugu maqnaa muddo 20 cisho ah.

Madaxweyne kuxigeenka 2aad ee Jubbaland luga dheere iyo qaybaha kala duwan ee ciidamada ayaa Axmed Madoobe ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Sayyid Maxamed Cabdille Xasan ee magaalada Kismaayo.

Soo dhaweyn kadib Axmed Madoobe ayaa warbaahinta kula hadley qeybta nasashada ee garoonka halkaas oo uu si kooban uga warbixiyey safarkiisa Nairobi iyo waxyaabihii u soo qabsoomey.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu inta uu ku sugnaa magaalada Nairobi uu kulamo kala duwan la qaatey Beesha caalamka, Saamileyda Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo madaxda dalka aan dariska nahay ee Kenya dhamaantoodna kala hadley arrimo quseeya Amniga, Siyaasadda iyo sidii xalwaara looga gaari lahaa khilaafka DFS iyo Dowlad goboleedyada.

Axmed Madoobe ayaa si kooban uga hadley xaalada gobolka Gedo iyo tallaabooyinka lagu carqaladeynayo amniga iyo Dowladnimada dalka ee ay DFS ka wado halkaas, kuwaas oo uu sheegay inaysan natiijo ka gaari doonin haddii aysan wado wanaagsan u soo marin kana waantoobin baalmarka dastuurka dalka u yaala.

Sidookale Axmed Madoobe ayaa sheegay in xaalada Soomaaliya hadda aysan u baahneyn anaa idhi iyo sidaan rabaa socon, ee xalka ay u baahantahay uu yahay wadatashi iyo in isfaham rasmi ah lagaga gaaro waxkasta oo la isku qabto.

Axmed Madoobe ayaa ugu danbeyn sheegay in DFS ay shaqadeeda dhanba kusoo uruurisey halkee dhisan oo aan duminaa ee aysan danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed ka shaqeynin taasna xisaabi ka danbeyn doonto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.