Wasiirka Maaliyadda XFS Abdirahman Dualeh Beileh ayaa soo dhaweeyey warbixinta agaasimaha maamulka hay’adda lacagta aduunka.
Wasiir Bayle ayaa yiri “Waxaan soo dhaweynayaa Warbixinta ay soo saartay Agaasimaha ug sareeysa IMF Kristalina Georgieva oo ay ku sheegtay in IMF-ta ay heshay Waddadii Soomaaliya Deynta looga Cafinlahaa iyagoo kaashanaya Beesha Caalamka.
IMF aad iyo aad waxay nagala shaqeeyeen dib-u-habeynta Maaliyadda Dalka, anagoona guulo muhiim ah ku gaarnay Barnaamijkooda dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka.
Sida warbixinta ku cad, anagana aan wada ogsoonahay, wali dadaalka inta hartay annaga ayay inoo taalaa in aan dhameystirno.
Leave a Reply