Maamulka Hirshabeele ayaa waxuu dhibaato joogta ah iyo caburin ku hayaa warbaahinta ka hawl gasha Hirshabeele gaar ahan warbaahinta ka hawl gasha Magaalada Johwhar.
Ciidamada Boliiska Jowhar oo kaashanaya ilaalada Madaxtooyada Hirshabeele ayaa waxay weerar ku qaadeen Idaacada CityFm ee ka hawl gasha Magaalada Jowhar waxaana Xabsiga loo taxaabay 7 wariye oo ka tirsan Shaqaalaha Idaacada.
Ciidamada Booliiska Jowhar ayaa si Sharcidaro ah Hawada uga Saaray Idaacada CityFm Jowhar iyado aysan jirin Wax waraaq ah oo ay Ciidamada ka wateen Maxkmada oo ay la wadaageen Maamulka Idaacada Cityfm, Manajirto ilaa hada wax war ah oo kasobaxay Maamulka iyo Wasaarada Warfaafinta Hirshabelle.
Dhanka kale Xafiiska Madaxwaynaha Hirshabeele Maxamed Cabdi waare waxaa maalintii 10aad ku xaniban Qalabkii uu ku hawgali jiray Wariyaha Warbaahiyaha CNA TV.
Maamulaka Hirshabeele ayaa waxuu la dhaqan noqday kii Hogaamiyihii Fashilmay Axmed Madoobe.
Madaxda hirshabelle waxa ayku dhaqmaayaan waa wax laga xishoodo oo Uusan samayn lahay cunuga yar ee caruurta ah waayoo majirto howlgal lafuliyo sabab la’aan lkn ayaga way caadeysteen mana aha markii 1aad iyo 2aad ba waxaan kula talin lahaa joojiya xadgudubka waayoo kursiga aad kufadhisaan shacabka ayaa ugu fadhidaan