Maamulka Degaanka Soomalida oo kubaaqay in laga hortago Maleeshiyaad beeleed ku labisan Dareeska Liyuu Boliiska

liyuu

Wararka Naga Soo gaaraya Deegaanka Soomalida Itoobiya agar ahan Deegaano ka tirsan Gobolada Qoraxay iyo Doolo ayaa waxay sheegayaan Maleeshiyaad beeldyo ku labisan Dareeska Ciidaanka Boliiska Deegaanka Soomalida Itoobiya inay dad shacabka dhac, dil iyo Barakicin u gaysteen.

Hadaba war kasoo baxay laamaha Amniga Deegaanka Soomalida ayaa lagu sheegay inaysan jirin Ciidan ka tirsan Boliiska Deegaanka Soomalida “Liyuu Police” oo hawgal kawada Deegaanadaas, waxayna Laamaha Amniga iyo Bulshada Gobolada qoraxay iyo Doolo ugu baaqeen inay layska dhacsho Burcadaas ku labisan Dareeska Ciidanka Boliiska Degaanka Soomaalida.

Deegaanada Dhibka ka gaysteen Maleeshiyaadkaan ayaa waxaa kamida Neefkuceshe, Laasacaanood iyo Ceelbaxay sida ay sheegayaan bulshada Deegaanka waxaana dhibkaan loogaysanayo shacabka ka masuul niman magacyadooda lagu sheegay Taliyaha Ciidamada Liyuu-Boliis Gobolka Doollo Korneyl, Cabdiraxmaan iyo Gudoomiya Gobolka Doollo Cabdinaasir Maxamuud Cabdille, iyo Gudoomiyaha Wardheer.

Warar dheeraad ah kala socda wararkeena dambe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.