Wararka ka imanayaMagaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in goordhow qarax xooggan uu ka dhacay Guadaha Magaalada Gaalkacyo, halkaasoo ay ka arrimiso maamulka Galmudug.
Sida wararku sheegayaan, Qaraxa ayaa waxaa uu ka dhacay nawaaxiga Hoteel weyn oo Gaalkacyo ay ka degan yihiin Saraakiil Ciidan, waxaana qaraxa kadib la maqlayaa rasaas xooggan.
Hoteelka qaraxa ka dhacay ayaa waxaa kusugnaa sida la sheegayo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xooga dalka Soomaliyeed sida Taliyaha Qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga dalka Cabdicasiis Cabdullaahi Qooje.
Gaalkacyo waxaa mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka, kuwaasoo xal ka soo gaaray colaad todobaadyadii u danbeeyay u dhexeysay laba Maleehsiyo beeleed oo wada dega gobolka Mudug.
Leave a Reply