Taliyaha Guutada 15-aad, ee Q.21aad Generaal Mascuud Maxamad iyo Taliyaha Ciidanka DANAB ee Qaybta 21aad, Gashaanle Muqtaar Cabdulle Xuseen iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada Qalabka sida ee Qaranka Soomaaliyeed oo ay wehliyaan Saraakiil ka socotay Hogaanka Nabad galyada ciidamada Liyuu-Boolis ee DDS ayaa maanta ku kulmay isgooska oo u dhaxeeya deegaanada Seejo iyo Booraancad oo ku yaala Xuduud Beenaadka dalkeena Soomaaliya iyo Ethiopia.
Wadahal ay yeehseen Masuuliyiintan ayaa horseeday in laba ka mid ah maxaabiis lagu kala qabsaday Dagaalkii u dhaxeeyay ciidanka Liyuu-boolis ka iyo dadka deegaanka lagu kala wareegsado galinkii dambe ee maanta halkaan.
Deegaankan oo ahaa halkii ay ku dagaalameen Ciidamada Liyuu-boolis iyo dadka deegaanka ayaa maanta laga sameeyay Xabad joojin, maydad ka tirsan dhinacyadii dagaalamay ayaa sidoo kale laga helay goobo kala duwan.
Deegaanada u dhaxeeyay Booraancad iyo Tuulo_xanan ayaa waxaa ka muuqda raadadka Dagaaladii shalay, Dadka deegaanka oo ahaa reer guuraa ayaa guud ahaan ka barakacay deegaanka.
Qarsaaraha guud ee dagaalkii shalay ayaa aad u badan waxaana dhaawacyadii loo kala Qaaday Magaalooyinka Caabudwaaq iyo Wardheer.
Leave a Reply